Wasiirka maaliyadda Dowladda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayna wehliyaan wafdi wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa soo booqday xarunta safaaraddeeda ee dalka Uganda.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa waxaa xarunta safaaradda kusoo dhaweeyay Siihayaha Safaaradda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur, isagoo warbixin ka siiyay xaalka safaaradda iyo marxaladihii ay soo martay, una soo bandhigay baahiyaha ay safaaraddu qabto ee dhan gaadiid iyo dhan dayactir dhismaha ah.

Wasiir Bayle ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya wado qorshe lagu dhisamayo dhamaan safaaradaha Soomaaliya ee aduunka ku kala yaala ayna baahida safaaradda Uganda wax ka qaban doonaan.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *