Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Dalka Uganda waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool in ay safaaradda fasax tahay laga bilaabo maalinta Qamiista 14/01/2021, dibna shaqada u bilaabi doonto maalinta Isniinta ah oo ku beegan taariikhda 18/01/2021 insha Allaah.
Sidoo kale Safaaradda waxa ay ugu baaqaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan in eey ka fogaadaan goobaha cod bixinta iyo isu soo baxyada siyaasadeed Inta eey doorashadu socoto.