Uqeybsanaha Dhaqanka iyo Waxbarashada Safaaradda J.F. Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Liibaan Xuseen Deeroow ayaa wuxuu booqasho shaqo ku tagey jaamcadda Makarere kulana la qaatay Madaxda kuliyadda College of Health Sciences iyo School of Public Health ee Jaamacadda Makarere, Dr. Rhoda K. Wanyennze, Professor and Dean of College of Health Sciences Dr. Makumbi Fredrick, Deputy Dean of College of Health Sciences.
Dr. Lorence Ndejo, Reseach Associate, Professor Lecture Dr. David Musoke- Grant and Capacity Development School of Public Health, Ms. Irene Wannyana, Research Associate.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo wada-shaqeyn lahaa loona wanaajin lahaa wadashaqeynta fiican ka dhaxeysa Xafiiska Dhaqanka iyo Waxbarashada ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda iyo Jaamacadda.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay isku xirka ardayda Soomaaliyeed Jaamcaddaas wax kabarata kawarqabka baahiyadooda gaarka ah iyo Cabashooyinkooda.
Drs. Rhoda oo ah Hormuudka Kulyadda culuumta caafimaadka ee Jaamacadda Makerere ayaa sheegtay in si wanaagsan jaamacadda ula dhaqanto ardayda Soomaaliyeed ee jaamacaddaas dhigta, Drs Rhoda ayaa sidoo kale sheegtay in dhawaan casuumad u diri doonaan Jaamacadda Umadda ee Soomaaliya
U qeybsanaha Dhaqanka iyo Waxbarashada Mudane Liibaan ayaa dhankiisa soo jeediyay in jaamacadda ka shaqeyso sidii aqbalaadda jaamacadda ardayda Soomaalida ah loogu fududeyn lahaa oo hadda ah mid waqti dheer ah qaadata.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waday maalmahan kulamo ay la yeelanayso madaxda Jaamacdaha kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka Wanaagsan kala dhaxeeya Jaamacadaha Dalka Uganda.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *