Share
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  

Uqeybsanaha Waxbarashada Mudane Liibaan Xuseen Deerow ayaa kulan la qaatey Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda (VICE CHANCELLOR) Dr. Emeka Akaezuwa, iyadoo ujeedka kulankanna ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
Kulankaas inta uu socday ayaa waxaa laysla meel dhigay qodobada soo socda.
1. In Jaamacada IUEA iyo Xafiiska waxbarashada ee Safaaradda yeeshaan wadashaqeyn joogta ah.
2. Maadaama guud ahaan dunida saameeyey “COVID-19” in ardayda culeys lagu saarin dhanka dhaqaalaha Jaamacadda.
3.Maadaama Jaamacada IUEA ay tahay meelaha uga badan Ardayda Soomaaliyeed Dalka Uganda waxkubartaan in ay la xaquuq noqdaan ardayda kale ee wadamada Uganda deriska la ah (East African Community)
4.In Ardeyda Soomaaliyeed ay ku adag tahay Luuqada English ka in Jaamacadda ka kabto dhankaas.
5. In IUEA kaalin ka qaadato ka wacyigelinta ardeyda Soomaaliyeed cudurka halista ee “COVID-19 ” si aan saameyn uga yeelan waxbarashadooda.
6. in Ardayda Soomaaliyeed Jaamacaddaan waxkabarata iyo kuwa doonaya in ay waxkubartaan in loo fududeeyo Fiisaha iyo Admissionka Jaamacadda.
7. In loo fudeeyo jaamacadda IUEA sidii xariir ula sameyn lahayd jaamacadaha ku yaala gudaha dalkeena Soomaaliya, lana siiyo xogaha ay jaamacadaheena uga baahan yihiin.
8. In waxii caqabado ama Cabasha ah ee ardayda ka haysta ama ka jira jaamacada IUEA usoo gudbiyaan xafiiska waxbarashada ee Safaaradda.
Ugu dambeyntii kulankan ayaa kusoo idlaaday jawi dagan iyo is fahan guud.

Share
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *