Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Uganda waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo qaraabadii ay ka baxeen Ganacsadihii waynaa ee Uganda aad looga yaqaanay marxuum Sheikh Isse Abdullahi Warsame, sidoo kale Marxuumiinta kala ah ganacsade Abdiwali Farah Dheere iyo Ganacsade Mohamed Moalim Ali oo dhawaan ku dhintay Kampala xanuunka Coronavirus awgiis.

Sidoo kale waxa ay tacsi u diraysaa ehelada dhammaan dadkii ugu geeriyooday xanuunkan Coronavirus oo maalmahan aad dalka ugu soo badanayay.

Safaaradda waxa ay ugu baaqaysaa bulshada Soomaaliyeed ee Kampala ku nool in si dhab ah uga foojignaadaan qatarta cudurkan COVID-19 oo soomaali badan u dhimatay dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay, sidaa awgeed waa in la yareeyaa isku imaadyada xaafadaha Soomaalida dagto, ayna raacaan tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ee cudurkan looga hortagayo.

Dhammaan ummaddeena Soomaaliyeed Illaah ha xafido.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *