Share
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Qadar Alle Yaqaan ayaa soo xiray koobka kubadda Cagta ee Magaalooyinka dalka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Koobkan oo soo abaabuleen Ururka ciyaaraha Soomaalida ee Uganda (Somali Sports Association Uganda) ayaa waxaa guusha ku raacday oo kaalintii koowaad gashay kooxdii ku ciyaaraysay magaca magaalada Garbahaarey, halka kooxda Bu’ale ay gashay kaalinta labaad, kaalinta saddexaadna ay gashay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Dhuusamareeb.

Qunsulka Safaaradda Cali Qadar ayaa gudoonsiiyay koobka kooxdii guulaystay ee Garbahaarey iyadoona sidoo kale lagu abaal mariyay kooxihii galay kaalmaha lacago jeeg ah oo lagu dhiiragalinayay, sidoo kale waxaa xusid mudan in uu noqday Saacid Haashi Ahmed ciyaar yahankii ugu fiicnaa ee intii uu socday koobkan


Share
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *