Waxaa magaalada Kampala ka furmay maanta shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda dalka oo shir gudoominayo Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle kana qayb galayaan wasiirada maamul-goboleedyada iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ah kii labaad oo ay yeeshaan wasiirada maaliyadda ayaa looga doodayaa hanaanka maaliyadda dalka iyo horumarinteeda.