Safiirka J. F. Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) uuna wehliyo Uqeybsanaha waxbarashada Mudane Liibaan Xuseen Deerow ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha guud ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda iyo gudoomiyaasha ururada ardayda Soomaalida ee jaamacadaha kala duwan ee ku yaalla dalkan Uganda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa waxaa uu ahaa kulan is xogwaraysi iyo in lagu dardargaliyo wadashaqeynta safaaradda iyo ardayda, iyadoo sidoo kalena looga hadlay sidii loo dardargalin lahaa howlaha ururka guud ee ardayda iyo ururada ardayda ee jaamacad walba leedahay maadaama dhammaan goobaha waxbarashada dalkan Uganda dib loo furay muddo 2 sano ah oo xirnaayeen kadib.
Gudoomiyaasha ururada ardayda jaamacadaha oo warbixin laga dhagaystay ayaa ka hadlay caqabadaha ardayda ka heysta jaamacad walba oo arday soomaali ah dhigtaan, iyagoo sidoo kalena soo bandhigay sidii xal looga gaari lahaa caqabadahaas.
Gudoomiyaasha ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan howlaha ururada ardayda qaban jireen ardayda oo ay ka mid tahay in ay ardayda u qabtaan, shirar, siminaaro lagu kordhinayo wacyigooda, ciyaaraha kubadda cagta si ardayda isku dhexgalaan iyo in ay qorsheynayaan in ay rabaan in ay furaan Maktabad (Library) wax lagu aqristo oo ardayda leedahay.
Uqeybsanaha waxbarashada Liibaan Xuseen Deerow oo isagana ardayda la hadlay ayaa sheegay in ay gudoomiyaasha keenaan liiska ardayda ee jaamacadahooda dhigata si loo helo tirakoobka ardayda iyo in ay soo gudbiyaan qorsho-howleedka 3-da bil ee soo socoto si howlaha ardayda loo dardargaliyo.
Ugu dambeyntii Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa sheegay in diyaar u yihiin in caqabadaha haysta ardayda in wax laga qabto oo ururka ardayda arrinkaas kala shaqeyn doonaan intii karaankooda ah, sidoo kalena safaarad ahaan diyaar u yihiin waxii sharci ah ee ardayda xaq u leeyihiin sida shahaadooyinka, daganaasha iyo waxii la mid ah in ay dowladda Uganda kala hadlayaan, waxii sharcidarro ahna sida shahaadooyinka been abuurka ah aysan arday isku soo ceebeyn in safaaradda la yimaadaan si loogu Tasdiiqiyo.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in kulamada nuucaan ah ay noqon doonaan kuwa joogto ah oo bishiiba hal mar gudoomiyaasha ardayda kula kulmi doonaan madaxda safaaradda oo uu safiirka ugu horeeyo si iska warqabka ardayda iyo safaaradda joogto u noqdo.