Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Caalamiga ah ee Bariga afrika Mudane Akasa Albe Omar iyagoo ka wadahadlay sidii loo wanaajin lahaa wadashaqeynta xafiiska waxbarashada Safaaradda iyo Jaamacadda.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda IUEA ayaa safiirka uga warbixiyay tirada ardayda dhigata jaamacadda adeeg ay u qabtaan iyo sida fiican ay ardayda Soomaalida u tahay kuwa ugu wanaagsan ee jaacmacaddaas waxkabarta.

Mudane Akasa Albe ayaa safiirka uu sheegay in jaamacadda si wanaagsan ugu adeegto ardayda Soomaalida ah ee jaamacaddooda dhigata, siina xoojin doonaan waanijinta la tacaamulka ardayda

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa dhankiisa uga mahadceliyay booqashada gudoomiyaha uu safaaradda ku yimid, kuna booriyay sii laba jibaaraan adeegyada ardayda Soomaaliyeed u haayaan.

Ugu dambeyntii waxaa lagu balamay inta uu kulanka socday in safiirka soo booqdo xarunta Jaamacadda caalamiga ah ee Bariga Afrika.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *