Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wafdi la socday oo safar shaqo ku jooga dalkan Uganda.
Safiirka ayaa uga warbixiyay howsha ay safaaradda qabato iyo howsha dayactirka ah ee hadda ka socda safaaradda oo meel fiican maraya.
Dhankooda wafdiga jaamacadda Ummadda ka socda ee horkacayo gudoomiyaha Jaamacadda ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay intii ay joogeen dalka Uganda oo si heersare ah loosoo dhaweeyay.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *