Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) iyo dhammaan diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ehelada iyo qaraabada uu ka baxay Marxuum Cabdicasiis Cali Madoobe, si gaara waxa ay tacsi u dirayaan Marwo Aamina Xirsi Mooge iyo caruurteeda, waxaa ayna leenahay samir iyo iimaan Illaah ha idinka siiyo.

Safaaradda waxa ay bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool ugu baaqaysaa in taxadar iyo dadaal muujiyaan halista cudurka CORONA VIRUS oo maalmahan Uganda aad ugu soo badanayay faafistiisa, ayna jiraan Soomaali u dhimatay xanuunkan dhiibatada badan oo uu marxuumkan ugu dambeeyay.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *