Kampala 1-da Juun 2020, Waxaa maanta dib loogu celiyay dalkeena muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalkan Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee COVID-19 islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray wadamada caalamka.
Siihayaha Safaaradda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) iyo howlwadeenada safaaradda ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha oo maanta ka duulayeen Soomaali kaliya oo dalkooda u noqonayay
Siihayaha Safaaradda Mudane Cagabaruur ayaa sheegay in howshan u kaceen kadib markii ay arkeen codsiyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa dalkan Uganda codsigaas oo ahaa in safaaradda ka shaqayso sidii dalka dib loogu celin lahaa, isagoo intaa ku daray in maalmaha soo socda duulimaad kale dalka u bixi doono Insha Allaah.
Qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Entebbe ayaa Safaaradda ku amaanay dadaalka ay arrintan galisay, iyagoo uga mahadnaqay shaqada hufan ee safaaradda u qabatay.
84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya kuwaasoo kusii kala jeeday Magaalada Muqdisho iyo Garowe ayaa dhammaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah fayraska Karoona kahor inta aysan halkan ka safrin.