Safaaradda Soomaaliya ee Uganda waxa ay soo dhawaynaysaa doorashada gudoomiyaha cusub ee ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo shalay ka dhacday magaalada Kampala.
Safaaradda oo goobjoog ka ahayd halka doorashada ka dhacayday, magaca safaaraddana ku matalayay Uqeybsanaha Waxbarashada ee safaaradda ayaa ahayd mid ku dhacday hufnaan iyo cadaalad, iyadoo gudoomiyaasha ardayda Jaamacadaha ay doorteen gudoomiyaha guud ee ururka ardayda. Safaaradda ayaana hambalyo u diraysa gudoomiyaha cusub ee la doortay Mudane Xasan Mukhtar Xasan, una rajaysay in uu ka shaqeeyn doono midnimada iyo isku keenista ardayda.
Sidoo kale safaaradda ayaa bogaadinaysa waxqabadka iyo dadaalkii uu muujiyay gudoomiyaha xilka ka dagaya ee Cabdimaajid Salaad iyo gudigii lasoo shaqeeyay muddadii uu xilka haayay, laguna amaani karo in uu xafiis ardayda loogu shaqeeyo furay iyo waxqabad kale oo balaaran.
DIGNIIN.
Safaaradda waxa ay u digaysaa dadka magac xumeenaya midnimada ardayda iyo wadajirkooda abuurayana warar been ah oo ardayda lagu kala geynayo, waxa ayna safaaradda dadkaas oo aan arday ahayn iyo kuwa ardayda ah ee sheeganaya xilalka beenta ah inay joojiyaan arimahaas qal qalka Iyo jahwareerka gelinaaya midnimada ururka Ardayda.
Ciddii qabta cabasho dhanka ardayda ah waxaa ay lasoo xariiri karaan xafiiska waxbarashada safaaradda, adigoo kala xariiri kara Email-ka Culturalattache.uganda@moe
DHAMMAAD