Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda iyo gudoomiyaasha Jaamacadaha qaar.
Kulankaan oo ka dhacay hotelka uu wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ka daganaa Kampala ee Serena Hotel ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) iyo howlwadeeno kale.
Gudoomiyaha Ururka Arday Cabdimaajid Cabdiraxmaan Salaad ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay howlaha uu ururka qabto iyo wadashaqeynta kala dhaxaysa safaaradda isagoo tilmaamay in cilmi baaris iyo howlo kale qabtaan.
Siihayaah Safaaradda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadnaqay sida uu ardayda ula kulmay iyadoo waqtigiisa aad u yaraa.
Dhankiisa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi ayaa sheegay in ardayda is ogaato in ay yihiin safiiro aan rasmi ahayn oo dalkooda matala, isla markaana ilaaliyaan sumcadda dalkooda hooyo.
kulankaas ayaa kusoo dhamaaday jawi qurux badan