Kulankaas oo ku dhacey Hoolka shirarka ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda waxaana kasoo qeyb galey ilaa 10 Jaamacadood oo ka mid ah jaamacadaha uga badan Aradayda Soomaaliyeed waxkabartaan sida:- Bugema University, Cavendish University, Clarke International University, International East Africa University, ISBAT University, Kampala International University, St.Lawrence University, Kampala university, Uganda Technology and Management University iyo Victoria University.

Kulanka lala yeeshay madaxda Jaamacadaha waxaa shir Gudoominaayey Lataliyaha 2-aad safaaradda Mudane Cali Qadar Warjiid, Xoghayaha Koowaad Mudane Cabdullaahi Maxamed Warsame ( Xadaari ) iyo Uqaybsanaha Waxbarashada Mudane Liibaan Xuseen Deeroow iyadoo xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, waxaana laysla gartay qodobada soo socda:-

2. Jaamacadaha oo lagala Hadley in eey fududeeyaan sharciga dal ku jooga ardaynimo waana aqbaleen ( student pass)

3.In Jaamacadaha ay sameeyaan tababaro la xiriira Aaladaha fogaan dersiga si sahlana eey waxbarashadooda ugu sii wataan.(Class online).

4. In qiimo dhimis u sameeyaan Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadahooda waxkabarata.

Kulankan waxaa ka horeeyey kulan ay Safaaraddu horey ula yeelatey Guddoomiyaasha ardayda Jaamacadaha iyo hogaanka Midowga Ardada Soomaaliyeed ee Dalka Uganda, kulankaasoo Gudoomiyaasha kusoo gudbiyeen Cabashooyinka iyo waxyaabaha ka heystaa Jaamacadaha Dalka Uganda.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *