Siihayaha Safaaradda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Ali Cagabaruur ) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda jaamacadda Clarke International University (CIU) oo ay horkaceysay gudoomiye kuxigeenka Jaamacadda Dr Rose Clarke Nanyonga, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Sidii Jaamacadda iyo Safaaradda uga wada shaqayn lahaayeen sidii Ardayda Soomaaliyeed loogu fududeeyn lahaa documentiyadooda, sidoo kalena loogu xilin lahaa hadii ay jiraan wax caqabadaa.
Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wadashaqeyn dhaw la yeeshaan safaaradda si ardayda Soomaalida ee jaamacaddaas dhigata ay u helaan xuquuq ay xaqqa u leeyihiin, sidoo kalena sheegay in sanadka soo socda ay Soomaaliya siin doonaan Deeq waxbarasho oo ardayda Soomaaliyeed ka faa’idaysan doonaan.
Siihayaha Safiirka Mudane Cali Cagabaruur ayaa dhankiisa uga mahadnaqay sida maamulka jaamacadda ay u daneynayaan in ay safaaradda xariir dhaw la yeeshaan, ardayda Soomaaliyeedna arrimahooda xooga u saarayaan.