Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cumar Mahadalle oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ardaydii kasoo qalinjabisay Jaamacadda Ummadda oo dalkan Uganda u jooga diyaarinta darajada labaad ee Master.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Kampala ayaa ardayda waxa ay uga warbixiyeen gudoomiyaha sida ay wax u bartaan iyo caqabadaha soo wajahay intii ay Uganda joogeen, sidoo kalena sheegay in farxad wayn u tahay in ay arkaan madaxda jaamacaddii ay kasoo qalin jabiyeen oo Kampala kusoo booqatay.
Wafdiga uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Jamaacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa Kampala u jooga sidii ay kulamo iyo hishiisyo ula gali lahaayeen jaamacadda Makerere ee Uganda.




