Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalalka Uganda iyo K/Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha isxilqaanka ah Safaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda ka socda ku wareejiyay madaxda Safaradda, deeqdaas lacageed oo gaareesay 10,000 oo dollarka maraykanka ah.
Xalfladda kooban oo ay deeqda lacageed ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday magalada Kampala ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Safaradda Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) iyo lataliyaha 2-aad ee Safaradda mudane Cali Khadar.
Safiirka Soomaaliya ufadhiya Dalka Uganda Amb. Cali Cagabaruur oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa kaga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo so gaarsiiyeen Safaradda taas oo wax badan ka tari doonta dibu dhiska Safaaradda oo maraya meel muhiim ah.
Safiirka ayaa sheegay in cid walba oo gacan ka geysatay isxilqaanka ka socda safaaradda ee lagu dayactirayo in meel fagaare ah ka sheegi doono abaalka ay u galeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna xafladda daahfurka dayactirka ay dhammaan soo bandhigi doonaan dadkii ka qayb qaatay dib u dhiska safaaradda.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *