Siihayaha Safaaradda J.F. Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Jaaliyadda oo horkacayay Gudoomiyaha Jaaliyadda (Somali Community Association in Uganda) Mudane Xuseen Abuukar Xasan ( Hussein Garweyne ) iyo xubno kale oo jaaliyadda ka tirsan, iyadoo kukankaas looga wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta Safaaradda iyo Jaaliyadda.

Sidoo kale kulankan oo arrimo badan looga hadlay ayaa waxaa dhanka Safaaradda goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiin safaaradda ka tirsan, waxa uuna kusoo dhamaaday isfahan.


By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *