Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan la qaatay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda Uganda Mudane Vincent Waiswa Bagiire
Danjire Cagabaruur iyo Xoghayaha joogtada wasaarada arrimaha dibadda Uganda ayaa waxeey kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda iyagoo si gaara xoogga u saaray in la fududeeyo arrimaha quseeya ardayda, badqabka bulshada soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan iyo sidii muwaadiniinteena Soomaaliyeed loogu fududeeyn lahaa dal ku galka Uganda iyo arrimo kale oo quseeya iskaashiga labada dal.
