Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa maanta xafiiska ku qaabilay siiyahaha safaaradda dowladda Liibaya ee aan walaalaha nahay Mudane Mustafe M. Ijdaara.
Kulankan oo ujeedkiisu ahaa macsalaamayn iyo salaan sharafeed maadaama siihayaha safaaradda dowladda Liibiyaha uu dhamaaday muddadii shaqada ee dalkan Uganda loona badalay dal kale ayaa waxa ay laba mas’uul isku soo qaadeen xariirka labada dal ee soo jireen ah.
Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Cagabaruur ayaa dhankiisa uga mahadnaqay salaanta iyo macsalaameynta uu mas’uulka safaaradda ugu yimid, Isagoo u rajeeyey guul Iyo horymar Shaqada cusub ee loo igmaday.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *